Baarlamaanka 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka wada hadlay xaaladda dalka 

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xalay hoygiiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Mr. Karaasha iyo Guddoomiye Mursal ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka dalka, waxayna si gaar ah diirada u saareen Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Labada guddoon ee Baarlamaanka ayaa shalay gaaray magaalada Garowe si ay uga qeyb-galaan madasha doodaha machadka Heritage.

Warar kale oo la xiriira