Baarlamaanka 

Guddiga doorashooyinka oo is-baddal ku sameeyay jadwalka doorashooyinka Aqalka Sare kaddib codsi ka yimid Galmudug

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) oo maanta soo saaray war-saxaafadeed, ayaa daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku war-geliyay in is-baddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmeyso 31-ka Diseembar 2020, ayna soconeyso ilaa 6da Jannaayo 2021. 

Guddiga ayaa sheegay in uu la wadaagay madaxda  dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka in qabashada codsiyada musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhexeysa 7-14 Jannaayo 2021. 

“Is-baddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, oo ku aaddan in muddada dib loo dhigo wakhtiga loo asteeyey doorashada Aqalka Sare”, ayuu sheegay guddiga.

“Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada maamulaya Doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed”, ayuu sii raaciyay.

 Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira