Warar 

Waa halkee xarunta loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi iyo gobolka Banaadir?

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsan Guddiga qaabilsan amniga Doorashooyinka, ayaa kormeeray xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Mogadisu oo loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi iyo gobolka Banaadir.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa todobaadkii hore kulan la qaatay wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadda-shaqeynta guddiga iyo hawlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan sugidda amniga doorashooyinka.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer federaal (GHDHF) ee 2020/21, ayaa 26ka Diseembar, 2020 u kala diray dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan, dhammaan musharraxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday dowlad-gobolleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaan-galinta iyo qabashada araajida musharraxiinta Golaha Aqalka Sare.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira