Baarlamaanka 

Wasiirka ciyaaraha oo ka hadlay halka lagu qaban doono finalka kulanka Galmudug iyo Gobolka Banaadir?

Xildhibaan Xamsa Saciid ahna wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo wareysi siinayay Kalfadhi, isaga oo ku sugan xarunta Baarlamaanka, ayaa shalay sheegay in isaga iyo xiriirka kubadda cagta ay dhowr jeer ka wada-hadleen halka lagu qabanayo kulanka finalka ee ciyaaraha maamul-gobolleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in wadda-hadaladaasi wali ay socdaan, haddii ay suuragl-noqotana kulanka finalka, waxaa uu sheegay in lagu qaban doono garoonka weyn ee Mogadishu stadium.

“Ciyaarta in lagu qabtay garoonka Mogadishu stadium waxaa noo sahli kara in amniga la ilaaliyo, maxaa yeelay muhiimada waa in dadka ay nabad ku helaan meesha ay joogaan”.

Mudane Xamsa, ayaa ku timaamay sannadkan sida ciyaarada ay u xiisa badan yihiin, wax aan horay loo arag, waxa uuna dadka ugu baaqay in haddii garoomadda ay buuxsamaan ay ciyaaraha ka daawadaan telefeshinada ama telefoonadooda.

Kulanka finalka ee ciyaaraha maamul-gobolleedyada waxaa isugu soo haray Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira