Baarlamaanka 

Xildhibaan Odawaa oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ka codsaday in lasoo xiro nin bisloolad ku riday gabdho mudaaharaadayay

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka codsaday maxkamadda ciidamada Qalabka sida, in ay soo xirto nin uu sheegay in bisloolad uu ku riday gabdho mudaaharaad ka dhigayay xaafada Soonakey ee degmada Hodan.

Mudane Odawaa, oo maanta saxaafadda kula hadlayay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in ninkaasi masawirkiisa dhammaan dadka ay arkeen, isaga oo rasaas ku ridaya gabdho dhallinyaro ah oo wax dhibaata ah wadin.

Waa xaq dastuuri ah in dadka ay mudaharaadaan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudanaha.

Maalmo ka hor waxaa baraha bulshada lasoo geliyay nin bastoolad gacanta ku heysta oo dad mudaaharaadaya ay hortaaganyihiin, taas oo hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira