Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta ansixiyay miisaaniyadda sanaadka 2021

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa shir-guddoomiyay fadhiga Golaha oo maanta lagu ansixiyay miisaaniyadda sannadka 2021.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta akhrintii saddexaad marsiiyay miisaaniyadda ayaa doodo dheer kaddib ugu dambeyn ansixiyay.

Mudane Cawad, ayaa gaba-gabadii fadhiga maanta sheegay in miisaaniyadda ay u codeyeen 145-mudane, mana jirin xildhibaan ka aamusay ama diiday.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay go’antahay in ay xoojiso oo ay laba jibaarto dib-u-habeynta maaliyadda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira