Baarlamaanka 

Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta ansixiyay miisaaniyadda sanaadka 2021

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed, ayaa maanta shir-guddoominayay kalfadhiga 1-aad kulankiisa 12-aad oo ajandihiisa uu ahaa ansixinta miisaaniyadda sannadka 2021 ee dowlad-goboledka Hirshabelle.

Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda Xildhibaan Yusuf Macalin Hassan Jele, ayaa ugu horreyn xildhibaannada u akhriyey miisaaniyadda dowlad Goboledka Hirshabelle iyo qaabka loo qoondeeyay.

Xildhibaannada Golaha Baarlamaaka Hirshabeelle ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ah ku ansixiyey miisaaniyadda 2021, waxaana oggolaatay 71 Mudane, hal xildhibaan ayaa diiday halka Mudane kalena uu ka aamusay.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira