Baarlamaanka 

Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan xubno wafdigiisa ka mid ah.

Mas’uuliyiinta ayaa iska wareystay xaaladdaha dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo shaqooyinka Aqalka Sare.

Xildhibaanno ka kamid ah xubnaha lagu casuumay madasha ayaa Kalfadhi u sheegay in Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ay suura-gal tahay in ay yeshaan kulan foolka fool ah, si ay uga wadda-hadlaan arrimaha khilaafka dhexdooda ah.

Warar kale oo la xiriira