Baarlamaanka 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay saddex heshiis oo caalami ah

Guddomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cawad Cabdalla, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhiga Baarlamaanka oo lagu ansixiyay saddex heshiis.

Xildhibaannada ayaa si wadar-oggol ah ku ansixiyay saddexda heshiis ee kala ah :..

  • Heshiiska Qaramada Midoobay ee ladagaallanka Musuqmaasuqa
  • Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortaga iyo ladagaallanka Musuqmaasuqa.
  • Heshiiska Carbeed ee ladagalanka Musuqmaasuqa.

 

Mudane Mahad Cawad Cabdalla, ayaa aaminsan in heshiisyadan ay wax badan ka tari doonaan la dagaallanka musuqmaasuqa ee dalka, waxaana uu aad u ammaanay heshiisyada la ansixiyay.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Abdulkadir Mohamed Nur(Jaamac), ayaa ansixinta kaddib sheegay in heshiisyada ay muhiim u yihiin dalka, waxaana uu xildhibaannada uga mahadceliyay ansixinta heshiisyada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira