Baarlamaanka 

Golaha Sacabka oo dib-u-dhigay hindise-sharciyeedka hay’addaha aan dowliga ahayn ee NGO-yada

Qoraal kasoo baxay xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay ka doodida hindise-sharciyeedka hay’addaha aan dowliga ahayn ee NGO-yada.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cawad Cabdalla, ayaa shir-guddoominayay kulankii shalay ee xildhibaannada.

20-kii bishii Julay ee sannadkan 2020, Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan, ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyay, kaddibna u akhriyay sharciga hay’addaha aan dowliga aheyn.

Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale shalay akhrinta labaad marsiiyay hindise-sharciyeedka Qaxootiga, iyagoo sidoo kale ansixiyay saddex heshiis oo caalami ah

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira