Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirkii hore ee Amniga Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta kamid ahaa mas’uuliyiintii salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dawlad), oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Garoowe.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dawlad) waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland, Xildhibaano kamid ah Golaha Wakiilladda, Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilladda Axmed Cali Xaashi, Saraakiisha ciidamada, Ehelada Marxuumka, waxgarad iyo dadweyne fara badan.

Warar kale oo la xiriira