Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ku baaqay in laga heshiiyo mabaadii’da ku saleysan Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo hadal ka jeediyay madasha aragti wadaaga Heritage ee Garowe, ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin dib-u-heshiisiinta, dhammeystirka dastuurka, dhismaha dowlad aan ku saleysneyn nidaamka qabaa’ilka iyo muhiimada midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xaashi, ayaa sheegay in madasha lagu soo bandhigo waxkasta oo lagama maar-maan u ah horumarka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

”Waxaa lagama maarmaan ah in laga heshiiyo mabaadii’da Dastuurka sida 1-Nuuca Federaalka iyo awoodaha hey’adaha Federaalka, 2-Qubbaro in loo helo, 3-Miisaniyad Soomaaliyeed oo u gaar ah Dastuurka sameynta iyo 4-Waqtiyeynta dhameystirka  Dastuurka in la shaaciyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Guddoonka Labada Aqal, Midowga Musharaixinta iyo marti sharaf kale.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira