Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Garowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta magaalada Garowe kula kulmay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

Labada mudane oo kamid ah martida sannadkan Garowe u joogta ka qeyb galka Madasha Aragti Wadaaga Heritage Institute ayaa ka wadda-hadlay xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee taagan.

Musharraxiinta doorashada ayaa aad uga soo horjeeda guddiga doorashada oo ay ku eedeynayaa in uu jiro dhinaca dowladda. 

Warar kale oo la xiriira