Baarlamaanka 

Xildhibaannada Baarlamaanka oo akhrinta labaad marsiiyay hindise-sharciyeedka Qaxootiga

Guddomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cawad Cabdalla, ayaa shir-guddoominayay kulan shalay xildhibaannada ay akhrinta labaad ku mariyeen hindise-sharciyeedka Qaxootiga.

Xildhibaan Maryan, oo Golaha Shacabka u akhrineysay hindise-sharciyeedka ayaa sheegay in sharciga uu salka ku hayo waajibaadyadii ka dhashay heshiiskii dowladda Soomaaliya ay ku saxiixday ka mid noqoshada heshiiska dadka magan-galya doonka ah ee Qaramada Midoobe.

Xeerkan waxaa uu kamid yahay xeerarka ugu muhiimsan ee lagu dhowrayo xuquuql insaanka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira