Warar 

Maanta maxey ka wadda-hadleen madaxweynaha Jubbaland iyo Wakiilka QM?

Madaxweynaha Dowlada Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO. Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka 1aad mudane Maxamuud Sayyid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumada sida Wasaarada arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada midoobey siiso Jubaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan deegaanada Jubaland Hay’adaha…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Waa kuwee daneeyayaasha uu la kulmi doono Guddiga Doorashooyinka ee Federaalka?

Magaalada Mogadishu maanta waxaa lagu qabtay shir dib-loogu-eegayay qodobadii ka soo baxay shirkii dib-u-eegista wax-qabadkii Guddiga intii u dhaxeysay sannadadii 2015 -2020 iyo samaynta Istaraatiijiyadda sannadka 2021-2025. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliima Yarey, ayaa guddoomineysay shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Guddiga oo ku taala magaalada Mogadishu. Guddoomiyaha Guddiga, komishineerada , lataliyayaasha, Xoghayaha joogtada ee Guddiga, Diwaangaliyaha Xafiiska Xisbiyada iyo Agaasimayaasha ayaa ka qeyb-galay kulanka oo diirrada lagu saaray in tala wadaag lala sameeyo dhammaan daneeyayaasha, kuwaas oo saamayn ku leh hawlahaha Guddiga.  Daneeyayaasha Guddiga uu la kulmi doono waxaa…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo shir wadda-tashi ah isugu yeeray madaxda dowlad-gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa maanta soo saaray go’aanno la xiriira doorashooyinka kaddib markii kulan uu maanta la yeeshay wakiilada beesha caalamka. 1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir. 2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.  3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.  4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka,…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo maanta loo qeybiyay Hindise-Xereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1-aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoominayay fadhigii Baarlamaanka ee 24-aad oo ajandihiisa uu ahaa soo gudbinta Hindise-Xereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha. Xildhibaannada ayaa maanta loo qeybiyey Hindise-Xereedka si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad, si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL muddo saddex cishe ah ka dibna la horkeeno Golaha si looga doodo. Hassan Istiila  Mogadishu, Somalia 

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiiladda Beesha Caalamka oo maanta ka shiray arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxaana madaxweynaha uu sheegay in uu la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay 13-ka kursi ee mataalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare. “Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Golaha Midowga Murashaxiinta oo soo dhoweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Puntland iyo Jubbaland

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.  Golaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in ay shir deg-deg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020. Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay soo magacaabay Guddiyada doorashooyinka heer federaal oo ay iyaga keligood ka harsanaayeen.  Halkan ka akhriso..

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Akhriso: Liiska xubnaha gudiga maamulka doorashada Qaranka heer ee dowlad-goboleed ee Jubbaland

Dowlada Jubbaland ayaa xalay magacaabay Xubnaha Gudiga Maamulka Doorashooyinka Qaranka ee heer Dowlad Goboleed oo kala ah:- 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐫𝐬𝐚𝐥 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐍𝐮𝐮𝐫 𝐒𝐚𝐦𝐬𝐚𝐦 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐚𝐱 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐮𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐆𝐚𝐚𝐛 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫 𝐍𝐮𝐮𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Jubbaland iyo Puntland oo shaaciyay Guddiyada Maamulka doorashada ee SIEIT

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo xalay soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah ayaa shaaciyay inay soo gudbiyeen Guddiga doorashada ee horay looga sugayay, kaddib markii maamuladda kale ay horay usoo magacaabeen Guddiyada. Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka. Sidoo kale Puntland iyo Jubbaland ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in shir degdeg ah la isugu yimaado magaalada Muqdisho 30 bisha Janaayo, si loogu xalliyo arrimaha hortaagan doorashada.…

Akhriso Faahfaahinta