Baarlamaanka 

Guddoonka Baarlamaanka oo ka qeyb-galay kulan qado ah oo loo sameeyay madaxdii ka qeyb-gashay madasha machadka Heritage

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdurrahman ayaa shalay kamid ahaa mas’uuliyiin ka qeyb galay kulan qado ah oo uu Madaxweynaha Dawladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ku casumay Madaxda ka qeyb-galaysa madasha aragti-wadaagga ee machadka Heritage.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Ra’isul wasaare ku xigeenka JFS Mudane, Mahdi M. Gulaid, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane, Ahmed E. Osman Karaash iyo Musharaxiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya.

Madaxda ayaa intii ay ku sugnayeen madasha waxaa ay iska wareysteen xaaladdaha dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo falanqeyayaasha siyaasadda ay sheegayaan in ay u dhowdahay in xal laga gaaro isla markaanna khilaafka doorashada lagu heshiiyo.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira