Baarlamaanka 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo ku dhintay qarax ka dhacay Kismayo

Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo ka mid ahaa xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland, ayaa xalay geeryooday kaddib markii qarax loogu xiray gaarigiisa uu ka dhacay magaalada Kismayo.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu dhacay, kaddib markii Allaha u naxarisitee xildhibaanka uu ka soo baxay guri uu ka deganaa magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa faray laamaha amniga in ay cadaalada horkeenaan kooxdii ka dambeysay weerarka.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxa loogu xirey gaariga xildhibaanka geeriyooday.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira