Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo baaq u diray xukuumadda federaalka iyo maamul-gobolleedyada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal oo hadal kooban ka jeedinayay xiritaanka madasha aragti wadaaga Heritage ayaa ugu baaqay xukuumaddaha maamul-gobolledyada iyo xukuumadda federaalka in ay la yimadaan doorasho wanaagsan oo aan laheyn qala-laaso.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay idinka sugayaan daarasho nadiif ah, waxaan ognahay dhaqaalla ahaan maanta halka ay Soomaaliya joogto sidaasi awgeed shacabka marna uma dulqaadan karaan dhibaatooyin ka dhasha doorashada, ayuu yiri mudane Mursal.

Dhinaca kale waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la iska ilaaliyo in dhibaatooyin ay dhacaan inta doorashada lagu jiro ama ay socoto.

Muranka ka taagan qabsoomid doorashooyinka ayaa dad badan waxaa ay ka muujinayaan wal-wal xooggan, waxaana hadda muuqata in mucaaradka, maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo dowladda dhexe ay aad ugu kala aragti fogyihiin arrimaha ay ku muransanyihiin oo ay ugu horreyso Gobolka Gedo iyo Guddiga doorashooyinka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira