Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta dib ugu soo laabtay Mogadishu

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal, oo kamid ahaa madax lagu casuumay madasha aragti wadaaga Heritage ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu.

Guddoonka ayaa fadhiga Baarlamaanka seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen miisaaniyadda sannadka 2021.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa isagna la filayaa in uu saacadaha soo socda uu dib ugu soo laabto Mogadishu. Madasha aragti wadaaga ee lagu qabtay Garowe waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin doorashooyinka sannadka 2025.

Warar kale oo la xiriira