Baarlamaanka 

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo sheegay in madaxda carruurtooda dibeda geystay aysan u tureynin kuwa jooga dalka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, oo hadal ka jeedinayay xiritaanka madasha aragti wadaaga Heritage, ayaa sheegay in uu filayo madaxda carruurtooda ay ka maqanyihiin dalka, aysan u tureynin kuwa kale ee dalka joogta, iyagoo waxa ay doonaan u sameynayay danta kursigooda awgii.

Madaxda dalka Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa maamul-gobolleedyada, xildhibaannada iyo wasiirrada, ayaa lagu eedeyaan in carruurtooda waxbarasho iyo nolol ay u geysteen dalka dibeddiisa, iyadooda carruurto dalka joogta aysan helin waxbarasho.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira