Baarlamaanka 

Guddiga amniga ee Baaralamaanka oo kulan ku saabsan amniga doorashooyinka la yeeshay wasaaradda amniga

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta la kulmay guddiga waxaa kamid ahaa Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Farxaan Cali Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda amniga.

Guddiga iyo Wasaaradda amniga ayaa ka wadda-hadlay xaaladda amni ee dalka, u diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka, xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo qodobo kale.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo ku saabsan amniga guud ee dalka weydiiyay wasiirka amniga iyo mas’uuliyiintii la socotay ee Wasaaradda amniga.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey, ayaa xubnaha wasaaradda kula dar-daarmay in sugida amniga doorashada ay aad muhiim u tahay madaama dalka uu galay xaalad doorasho.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira