Warar 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadal jeedin ku aadan hirgelinta nidaamka Federaalka ka jeediyay PDRC Talks

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa xalay marti ku ahaa PDRC Talks oo uu kaga hadlay Hannaanka Toosan ee Hirgelinta Nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Hadal jeedinta Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer dowladda goboleed, siyaasiyiin iyo sido kale qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garowe oo aqoonyahanno u badnaa.

Gabogabadii hadal jeedinta Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa su’aalo ku saabsanaa guud ahaan siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan Federalismka lagu weydiiyay, isagoo si hufnaan ah, qof weliba oo Soomaali ahna ku qanci karo uga jawaabay su’aalihii barnaamijka lagu weydiiyay.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira