Warar 

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo kulan la qaatay safiir ku-xigeenka dawladda Talyaaniga

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha ka socday Guddiga, ayaa kulan la qaatay mudane Massimiliano Bertollo oo ah safiir ku-xigeenka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya. 

Dhinacyada waxaa ay ka wadda-hadleen howlaha doorashada iyo talaabooyinka hore loo qaaday, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebtember ee ay wada gaareen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Gudoomiye Maxamed Xasan Cirro, ayaa dowladda Talyaaniga ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya. Safiirka ayaa isna dhankiisa boggaadiyey shaqada la qabtay iyo dadaalada ay wadaan Guddiga Doorashada, isagoona ku adkeeyay inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah. 

Guddiga ayaa safiirka u sheegay inay diyaar u yihiin hirgalinta doorasho daah-furan oo xiligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay kaalintooda qaataan.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira