Warar 

Maanta oo ah 5-ta bisha Janaayo waxaa ku eg qabashada codsiyada musharraxiinta Golaha Aqalka Sare

Maanta oo taariikhda ay ku beegantahay 5-ta bisha Janaayo 2021, waxaa ku eg muddadii Guddiga Doorashooyinka ee heer federal ay u qabteen qabashada codsiyada musharraxiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa 29-kii bishii December ee sannadkii hore 2020 sheegay in doorashada Aqalka Sare ay dhici doonto 7-14 Janaayo 2021, oo labo cisho ay hadda ka harsan tahay.

Guddiga ayaa bishii hore is beddel ku sameeyay jadwalka doorashada kaddib codsi uu sheegay in uu kaga yimid madaxweynaha Galmudug Mudane Qoor-Qoor.

Xiriiro aan la sameynay qaar kamid ah madaxda maamul-gobolleedyada ayaa tibaaxaya in aan si buuxda loo bilaabin qabashada codsiyada musharraxiinta, balse ay jiraan musharraxiin badan oo doonaya in ay u tartamaan kuraasta Aqalka Sare.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo musharraxiinta mucaaradka ayaa dhaliilsan xubnaha Guddiga doorashooyinka, xaaladda Gobolka Gedo iyo habka soo xulidda xildhibaannada Goboladda Waqooyi.

Xildhibaannada Aqalka Sare waxaa soo dooran doona xildhibaannada Baarlamaannada maamul-gobolleedyada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira