Warar 

Madaxweynaha Galmudug iyo wakiilka QM oo ka wadda-hadlay xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadda-hadlay arrimo ay kamid yihiin dadaalada loogu jiro habsami u socodka doorashooyinka Qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo madaxweynaha oo ku sugan magaalada Mogadishu ayaa wadda kulamo ay la qaadanayaan madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta.

Warar kale oo la xiriira