Baarlamaanka 

Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta kulan ka yeeshay akhrinta xeer hoosadka Baarlamanka

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq, ayaa maanta shir-guddoominayay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 14-aad.

Ajandaha fadhigii maanta ayaa ahaa qeybinta iyo akhrinta xeer hoosadka Baarlamanka, iyada oo dhinaca kale xoghayaha guud ee Golaha Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyad) uu Xildhibaannada ka hor akhriyey cutubka 1-aad oo ka kooban 10 qodob iyo cutubka 2-aad oo ka kooban 7 qodob oo dhammaantod ah xeer hoosaadka Baarlamanka dowlad-goboledka Hirshabelle.

Akhrinta xeer hoosaadka ayaa sii socon doonta ilaa laga dhammeeyo cutubyada iyo qodobada uu ka kooban xeer hoosaadka Baarlamanka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira