Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlaanka Puntland oo 100 fuusto ku deeqay dhammeystirka Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo ku xigeenka 1aad Abdiaziz, ayaa maanta ka qeyb-galay Shirweynaha Dhaqaale Uruurinta dhammeystirka Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xildhibaano, wasiiro iyo isimo ayaa sidoo kale ka qeyb-galay shirka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa dhammeystirka waddada ku deeqay 100 fuusto, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan 20 fuusto, Guddoomiye ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame 20 fuusto, 16 Xildhibaan ayaa mid walba ku deeqay 2 fuusto, tiradoodina tahay 32 fuusto, Xil. Cabdirisaaq Maxamed Sahal ( Macoow) 10 fuusto, Xil. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac 10 fuusto. 

Dhinaca kalena, Hawl-wadeenadda Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-qaatay dhaqaale ururinta Xoghayaha Guud Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa ku deeqay 10 fuusto, Agaasimaha Maamulka Cabdiqaadir Cabdiraxman Maxamed ( Cadnaan) 10 fuusto, Agaasimaha Hab-maamuuska Axmed Soomaali 10 fuusto.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mundane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dhaqaale ururinta Waddada Ceel-daahir- Ceerigaabo.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira