Warar 

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta ansixiyey laba hindise-sharciyeed

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta shir-guddoominayay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka, Xanuunka Safmarka Karoona, warbixinno ku saabsan safarro shaqo oo wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen gudaha dalka iyo dibeddiisa.

Golaha ayaa dhinaca kale maanta ansixiyey hindise-sharciyeedka Xajka iyo hindise sharciyeedka habka maktabadaha Soomaaliyeed.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira