Baarlamaanka 

Guddiga maaliyadda Baarlamaanka Koonfur-Galbeed iyo xafiiska hanti-dhowrka oo ka wadda-hadlay wax-ka-beddelka hindise-sharciyeedka hanti-dhowrka

Guddiga maaliyadda, qorsheynta iyo tirakoobka Golaha wakiilada maamulka Koonfur-Galbeed, ayaa xalay xarunta guddiyada Golaha wakiilada DGKGS kulan kula yeeshay qaar kamid ah mas’uuliyiinta xafiiska hanti-dhowrka guud ee dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray falanqeynta iyo wax-ka-beddelka hindise-sharciyeedka hanti-dhowrka, kaddib markii shalay Baarlamaanka maamulka uu marsiiyay akhrintii labaad.

Guddoomiyaha gudiga maaliyada Md. Xildhibaan Saciid Ahmed Ali, oo shirka shir-guddoominayay ayaa sheegay muhiimadda sharcigaasi uu u leeyahay nidaamka maaliyada ee maamulka, iyadoo la filayo in Baarlamaanka todobaadyada soo socda uu meel-mariyo wax-ka-beddelka hindise-sharciyeedka hanti-dhowrka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira