Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad oo ka waddy-hadlay arrimo la xiriira doorashad

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr.Cabdinaasir Cabdulle Maxamed.

Labada dhinac ayaa ka wadda-hadlay xallinta tabashooyinka arrimaha doorashada iyo dhowrista xasilloonida dalka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka wadda-hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Warar kale oo la xiriira