Baarlamaanka 

Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta soo gaba-gabeeyay akhrinta xeer-hoosaadka Baarlamaanka

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaannada ayaa maanta sii waday akhrinta xeer hoosaalka Baarlamaanka. Dood dheer kaddib xildhibaannada ayaa soo jeediyay in lagu dhaqmo xeer-hoosaalka si shaqada Baarlamaanka ay u noqoto mid hufan oo si habsi leh u socota.

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq, oo ugu dambeyn soo xiray fadhiga ayaa sheegay in la gaba-gabeeyay akhrinta xeer hoosaadkii doodiisa ay socotay maalmihii lasoo dhaafay.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira