Baarlamaanka 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo maanta kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa mar kale sheegayin Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa qoondada 30% ee Haweenku ay ku leeyihiin Golayaasha Qaranka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha oo hoggaamineyso kudlada haweenka ayaa sheegay in ay dowladda diyaar u tahay qoondada haweenka in meel adag lagu xiro.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa wal-wal xooggan ka muujinayay in qoondadooda la duudsiiyo balse go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u noqon kara diiragelin. 

Warar kale oo la xiriira