Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddoomiyaha xisbiga Dan Qaran oo ka wadda-hadlay xasiloonida doorashada

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Xisbiga Dan Qaran Daahir Maxamuud Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha iyo guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay in doorashooyinka dalku galayo noqdaan kuwo daahfuran oo si xasilloon ku qabsooma.

Mudane Rooble, ayaa dhowaadan la kulmay labo musharrax oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka. 

Warar kale oo la xiriira