Baarlamaanka 

Xal lagama gaarin khilaafka ka taagan guddiga maamulaya doorashada xidlhibaannada Goboladda Waqooyi

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa beeniyay in Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, ay xal ka gaareen muranka ka taagan guddiga maamulaya doorashada Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Shirkii madasha Heritage ee Garowe kaddib, waxaa soo shaac-baxday in afar xubnood oo ka socota dhanka Guddoomiye Cabdi Xaashi loogu dari doono Guddiga doorashada xubnaha Goboladda Waqooyi, sidaasina lagu xalin doono murankii ka taagnaa guddiga.

Xildhibaan Maareeye, ayaa carabka ku adkeeyay in tabashooyinkooda ay ka weyntahay afar xubnood oo lagu daro guddiga, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay in dadka kasoo jeeda Goboladda Waqooyi ay doonayaan in maamulka doorashooda iyo xalinta khilaafaadkooda iyaga loo madax-baneeyo sida maamulada kale ay ugu madax-banaayihiin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa horay uga soo horjeestay guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha, kuna tilmaamay inay yihiin guddi aanay matalin, isla markaana ay isugu jiraan askar iyo shaqaalaha rayidka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira