Warar 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo go’aansatay in la guda galo hir-gelinta doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankaasi shaaciyay kaddib kulankii la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Maamuladda Puntland iyo Jubbaland ayaa wali dhaliilsan nidaamka doorashada, waxaana ay ku baaqayaan in wadda-hadal kale la isugu yimaado halka musharraxiinta ay iyagana diidanyihiin guddiga iyo arrimo kale.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira