Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kulan la qaatay hawlwadeennada Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta kulan la qaatay hawlwadeennada Golaha Wakiillada DPL.

Kulanka ayaa ujeedadiisa aheyd Dardargelinta shaqada, tayadda Golaha iyo la-dardaaranka Hawl-wadeenada.

Xoghayaha Guud iyo Agaasimeyaasha Golaha ayaa ugu horeyn la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan shaqooyinka waaxyaha Golaha oo ka kooban 10 waaxyood, waxyaabaha u qaabsoomay sanadkii hore, qorshaha shaqo ee sanadka cusub 2021.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa boggaadiyey shaqada la qabtay wuxuuna faray dhammaan Hawl-wadeenada inay sare u qaadaan tayadda shaqada Golaha Wakiillada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira