Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo dalka Suudaan kula kulmay xubin ka tirsan Golaha Sare ee dalkaasi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed, ayaa maanta magaalada Khartuum kulan kula yeeshay Marwo Caasho Muuse Saciid, oo ah xubin ka tirsan Golaha Sare ee dalkaasi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dalka Suudaan, waxaa goob-joog ka ahaa agaasimaha guud ee xafiiska madaxtooyada Mudane Raami Ma’amuun Bashiir, danjiraha safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq iyo madaxa ganacsiga safaarada Soomaaliya ee dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan.

Guddoomiyaha ayaa Marwo Caasho, waxaa uu warbixin ka siiyay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan Hirshabeelle.

Warar kale oo la xiriira