Warar 

Madaxweyne Qoor-Qoor “Ma maqlin in la qabanayo doorasho ay ka maqanyihiin Puntland iyo Jubbland”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in marna uusan maqlin in la qabto doorasho aan heshiis lagu aheyn, isagoona xusay in ay sax tahay in doorasho heshiis lagu yahay dalka ay ka dhacdo, isla markaana la xaliyo tabashooyinka la xiriira doorashada 2021.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa 9-kii bisha ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Meel lagu yiri ma jirto doorashadu wey ka hareen Puntland iyo Jubbland, mar walba waxaa laga hadlayay in tabashooyinka jira la xaliyo,  ayuu yiri

Waxaa uu sheegay in eedaha loo soo jeediyay dowlad goboleedyada saddexda ah ee taageersan dowladda uu yahay mid siyaasadeed, isaga oo hadalkiisa inaasi uu raaciyay in tabashooyinka jira in la xaliyo ay doonayaan.

Warar kale oo la xiriira