Warar 

Midowga Musharraxiinta oo warqad ka hadleysa doorashada u diray beesha caalamka

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Mogadishu ayaa maanta warqad qoraal ah u diray beesha caalamka, taasoo ku saabsan sida ay uga walaac-sanyihiin cawaaqibka ka dhalan karta doorasho aan heshiis lagu aheyn.

Musharraxiinta ayaa cambaareeyay doorasho aysan u dhameyn dhammaan goboladda dalka, kaddib markii 9-kii bishan Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqay in la guda galo doorashada si uusan u lumin wakhti badan.

Waxaa ay ku baaqeen kulan deg-deg ah oo ay u dhan yihiin musharraxiinta, maamul-gobolleedyada, dowladda dhexe, bulshada rayidka iyo beesha caalamka, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Halkan ka akhriso:

Warar kale oo la xiriira