Baarlamaanka 

Beesha Caalamka oo ku boorisay madaxda Soomaalidda inay ixtiraamaan qoondada haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo xalay soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadleen xaaladda siyaasada ee dalka Soomaaliya, ayaa ku booriyay madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

Beesha caalamka ay had iyo jeer madaxda Soomaalidda ay ku cadaadiyeen in ay dhowraan qoondada haweenka ee labada gole ee Baarlamaanka, si loo helo matalaada haweenka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo 9-kii bishan kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa mar kale sheegayin Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa qoondada 30% ee Haweenku ay ku leeyihiin Golayaasha Qaranka.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale carrabka ku adkeyeenn ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

 

Warar kale oo la xiriira