Baarlamaanka 

Guddiga cadaalada iyo garsoorka ee Baarlamaanka oo bulshada ugu baaqay in ay la shaqeyaan bahda garsoorka ee dalka

Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka tirsan guddiga cadaalada iyo garsoorka ee Golaha Shacabka, oo maanta ka hadlayay shirka sannadlaha ee arrimaha garsoorka ayaa bulshada ugu baaqay in ay la shaqeyaan bahda garsoorka ee dalka Soomaaliya.

Cabashooyinka soo yeeraya waxaa ka badan inta la hagaajiyay, waxaana soo jeedinayaa in cadaalada loo dhowaado, ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in hay’addaha garsoonka ee dalka ay mudanyihiin in lagu bogaadiyo howsha adag ee ay u hayaan shacabka iyadoo ay jiraan duruufo adag.

Shirka sannadlaha ee arrimaha garsoorka oo ay sannadkan ka qeyb-galaya ku dhowaad 300 oo qof, waxaa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah.

Warar kale oo la xiriira