Baarlamaanka 

Xildhibaannada haweenka oo soo jeediyay in haweenka musharraxiinta ah laga dhimo lacagaha diiwaan-gellinta

Xildhibaannada haweenka ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Mogadishu, ayaa madaxda dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka usoo jeediyay in ay qadariyaan heshiiskii doorasho ee ay gaareen 17 September ee 2020.

Kulanka mudanayaasha oo lagu lafa-guray caqabadaha hor-istaagi kara haweenka, ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa laga soo saaray baaq ah in haweenka musharraxiinta ah laga dhimo lacagaha diiwaan-gellinta oo ay aaminsanyihiin in haweenka ay ku adagtahay in ay bixiyaan, taas oo ay shegeen in ay suura-gal tahay in haween badan ay tar-tanka ka haraan.

Dhinaca kale waxaa soo jeediyeen in la ixtiraamo qoonddada haweenka ee ah 30 boqolkiiba, taas oo dhammaan madaxda Soomaalidda ay isku raacsanyihiin.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo xalay soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadleen xaaladda siyaasada ee dalka Soomaaliya, ayaa ku booriyay madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira