Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo sheegay in ay ka warqabi doonaan baahiyaha dadka dhimirka ka xanuunsan

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Dr Cali Saciid Faqi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maxamed Nur Macalin, hab-dhowraha golaha, wasiirka wasaarada caafimaadka Maxamed Cusmaan Jiidow iyo xubno kale ayaa booqday isbitaalka dhimirka magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa xarunta kula kulmay qaar kamid ah dadka xanuunsan, waxaana uu ballan-qaaday in maamulka ay xoojin doonaan ka warqabida dadkan oo ah kuwa bulshada ugu liita.

Maamulka xarunta ayaa dhankooda sheegay in xaaladda ka jirtay isbitaalka ay tahay shaqaalo yari, ayna u baahanyihiin in laga taageero dhinaca bixinta mushaaraadka. 

Warar kale oo la xiriira