Warar 

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay arrimaha doorashooyinka heer-federaal

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta shir-guddoominayay shirka golaha wasiirrada ee maamulka ayaa wasiirrada uga warbixiyay arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka shirarkii Garowe. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha uga warbixiyay kulamadii uu la qaatey Midowga Musharraxiinta iyo ka qeyb-galkiisii shirkii aragti wadaaga ee Heritage, kuwaas uu Madaxweynuhu sheegay inay kusoo aadeen wakhti loo baahnaa natiijo miro dhal ahna ay kasoo baxeen.

Warbixinta Madaxweynaha kaddib Wasaarada Ganacsiga ayaa soo gudbisey xeerar ay nuquladooda la wadaagtey Golaha kuwaas lagu ballamay in todobaadka dambe golaha la keenno.

Xeerarkaasi waxaa ay kala ahaayeen:

1- Xeerka Maalgashiga Dowlada Jubbaland.

2- Xeerka Shatiyada Ganacsiyada Jubbaland

Warar kale oo la xiriira