Warar 

“Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xiriirka ka dhaxeeya bulshada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyay xiritaanka shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya ayaa tilmaamay hufnaanta hannaanka Caddaaladda iyo sarreynta sharcigu inuu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada, laguna gaari karo xasillooni iyo horumar taaba qaada.

Shirka oo laba maalmood ka socday magaalada Mogadishu ayaa lagu lafa-guray waxyaabihii garsoorka u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid sannadkii tegay, iyadoo lagu jaangooynayo qorsheyaasha sannadka cusub.

“Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xiriirka bulshada ka dhaxeeya, dhowista xuquuqul iinsaanka iyo waajibaadka aas-aasiga ah ee shacabku ay ku leeyihiin dowladdooda, taas oo ay ugu horreyso in aan laga musuqmaasuqin canshuurtooda, looguna adeego si siman oo caddaalad leh”.

Eng. Rooble ayaa xusay dhismaha golaha adeegga garsoorka marka uu soo dhammaado in ay fududaan doonto dhisidda Maxkamadda Dastuurka ee dalka oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee hannaanka Garsoorka.

“Sidoo kale, golaha wasiirrada iyo golaha shacabka waxa ay ansiyeen saddex heshiis oo saldhig u ah la dagaallanka musuq-maasuqa, oo kala ah; Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuq-maasuqa, Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Heshiiska Carbeed ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa”.

“Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in aan dhisno guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa, oo qayb weyn ka qaadan doona, maamul-wanaagga iyo xaqiijinta cadaaladda” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira