Baarlamaanka 

Baarlamaanka Hirshabelle oo kulan ka yeeshay hab-raacyada dhismaha guddiyada ee Baarlamaanka

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq, ayaa shalay shir-guddoominayay kulankii 16-aad ee Kalfadhiga 1-aad, kaas oo ajandihiisa uu ahaa hab-raacyada dhismaha guddiyada ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Xoghayaha Guud ee Baarlamanka Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyad), ayaa ugu horreyn xildhibaannada ka hor akhriyey tirada guddiyada iyo waajibadkooda, intaasi kaddib xildhibaannada ayaa ka dooday ajandaha.

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq, ayaa sheegay in aragtiyada xildhibaannada iyo soo jeedimahooda laga sii doodi doono, si loo helo habraacyo muhiim u ah golaha.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira