Warar 

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo ka shiray dar-dargalinta hannaanka doorashooyinka iyo sugidda amniga

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankaan oo ka dhacay Xafiiska Raisul Wasaaraha waxaa looga hadlay dar-dargalinta hannaanka doorashooyinka, sugidda amniga iyo horumarinta deegaannada Hirshabeelle.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo la qaadayay madaxda xisbiyada siyaasadda iyo madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada.

Hir-gelinta doorashooyinka waxaa wali ka taagan khilaaf iyo kalsooni darro musharraxiinta ay ka muujinayaan guddiga maamulaya doorashooyinka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira