Warar 

Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta oo nasiib-darro ku tilmaamay in xiligan dalka aysan ka socon howlaha doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Mogadish, ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka.

Mudane shariif ayaa ka digey in dib-u-dhac ay ku timaado doorashada dalka, waxaase uu nasiib darro ku tilmaamay in xiligan dalka Soomaaliya aysan ka socon howlaha doorashooyinka. 

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in gogol nabadeed la isugu tago dhammaan saamileyda siyaasadda ku kala qaybsan, si xal looga gaaro caqabadaha hortaagan Doorashad.

Musharraxiinta iyo maamuladda Puntland iyo Jubbaland ayaa dhaliilsan hanaanka doorasho ee dowladda federaalka iyo xaaladda guddiyada doorashooyinka.

Warar kale oo la xiriira