Baarlamaanka 

Xeer-maamula ayey u baahanyihiin dadka ajaanibta ah ee Qaxootinimada ku jooga dalka Soomaaliya

Xildhibaan Maryan oo Golaha Shacabka ka hor-jeedineysay akhrinta labaad ee wax-ka-beddelka xeerka Qaxootiga, ayaa sheegtay in dadka ajaanibta ah ee dalka soo galaya ay u baahanyihiin xeer maamula.

Xildhibaannada ayaa xustay in sannadihii lasoo dhaafay dalka Soomaaliya ay soo galayeen qaxooti badan oo ka imaanaya dalalka deriska ee ay ka jiraan dhibaatooyinka.

Nuxurka xeerka ayaa ah in dadka qaxootiga ah la qaabilo oo aan si xorriyad daro ah lagu celinin, isla markaanna ay helaan xorriyad iyo xuquuqaha aas-aasiga.

Golaha Shacabka ayaa la filayaa in marka uu akhrinta saddexaad mariyo xeerka, kaddib la ansixin doono si loo dhaqan-geliyo.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira