Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo maanta gaaray Gobolka Sanaag

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag.

Weftiga Guddoomiyaha oo imaanshahooda magaalada Badhan uu la xiriiro u kuurgalka xaaladaha guud ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa soo dhaweeyey Maamulka Gobolka, kan Degmada, Saraakiil iyo qaybaha bulshada. 

Weftiga Gudoomiyha ayaa waxaana kamid ah Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha guddiga dib u habeynta ciidamada DPL Xassan Shire Abgaal,Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Dawladda Puntland, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilladda.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ku hakaday degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa Cisbitaalka magaaladasi ku booqday dhaawacyada Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Gobolka Sanaag oo maanta gaari uu kula rogmaday wadada u dhaxeysa Badhan iyo Ceeldaahir kuwaas oo cisbitaalka la dhigay.

Warar kale oo la xiriira